Biden: “Waa arrin muhiim u ah Amniga Mareykanka in ay guuleystaan Israel & Ukraine”.

0
79

Biden: “Waa arrin muhiim u ah Amniga Mareykanka in ay guuleystaan Israel & Ukraine”.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa markale carrabka ku adkeeyay go’aanka uu dalkiisa ku taageerayo Israaiil iyo Ukraine isaga oo ku sifeeyay in muhiimad gaar ah u leedahay guushooda Dhinaca Amniga ee waddankiisa.

Biden ayaa tilmaamay in ay Washington ka go’an tahay dhinac istaagga Kyiv iyo Tel Aviv oo dhexda ka taagan Mowjado colaad ah kaddib markii Yuhuudda & Ukraine ay kordhiyeen qaylo-dhaanta ay u dirayaan Mareykanka.

“Mareykanka waxa uu garab-taagan yahay Israaiil & Ukraine oo xaqiiqdii u baahan in laga caawiyo iska caabinta Xamaas iyo Putin oo diidan dimuqraadiyadda dalalka deriska la ah” Joe Biden, Madaxweynaha 46aad ee Mareykanka.

Waxa uu si aan ka gambasho lahayn u shaaciyay in Dowladdiisa & Shacabka Mareykanku ay wadajir u taageersan yihiin Israaiil iyo Ukraine oo uu ku tilmaamay in ay iska caabinayaan Duullaanka uga imaanaya Xamaas & Putin waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waa arrin muhiim u ah Amniga Mareykanka in ay guuleystaan Israel & Ukraine, waa dhinac taaganahay, haddii gardarrada Caalamiga ah loo ogolaado in ay sii socoto, in isku dhacyada iyo Fowdada ay kusii fidi karaan qaybaha kale ee Adduunka” Joe Biden.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here