Ciidanka dowladda oo hawgal miino baaris ah ka sameeyey deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa howlgallo ka dhanka ah Al-Shabaab waxa ay ka sameeyeen halka loo yaqaano Ciid-Ciidka oo u dhaw deegaanka Cali Fool dheere ee gobolka Shabeellada dhexe.
Howlgalkaan oo uu hoggaaminyaay Taliyaha Cidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed G/le sare Dayax Cabdi Cabdulle ayey ciidanku ku baaraayeen dhul hawdka ah, iyadoo halkaasi ay ciidanku ka soo saareen miinooyin.
Deegaanka Ciid-Ciidka ee hawgalka laga sameeyey ayaa dhawaan Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda waxa ay kala wareegeen Al-Shabaab, oo in muddo ah halkaas ka talinayeen.
Howlgalka ayaa weli socda waxayna saraakiisha hoggaamniyasa howlgalka oo uu ugu horeeyo Taliyaha Cidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed G/le sare Dayax Cabdi Cabdulle oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegay in hawgalka baarista uu socda, isaga oo sheegay in la baadigoobaya haraadiga waxyaabaha qarxa oo lagu aasay dhulka howdka ah.