Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta ku dhawaaqaysa xukunka saraakiil lagu eedeeyey musuqmaasuq

0
141

Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta ku dhawaaqaysa xukunka saraakiil lagu eedeeyey musuqmaasuq

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in maanta ay ku dhawaaqdo xukunka saraakiil ka tirsan qaar ka mid ah hay’adaha dowladda kuwaas oo lagu eedeeyey musuqmaasuq.

Xubnaha eedeysanayaasha ah oo xillal kala duwan ka hayay Wasaaraddo iyo Hay’addo kuwa dawladda ah, ayaa Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku ku soo eedeeyay Musuq-Maasuq iyo dayacaad masuuliyadeed, been abuur dukumenti, iyo ku Takrifal hanti dadweyne.

Dhagaysiga dacwadda 11 ka eedeysane loo haystay ayaa la soo gabagabeeyay, waxana maanta lagu dhawaaqi doonaa xukunka eedeysanayaashaan, sida lagu sheegay goordhaweed war ka soo baxay Telfeshinka ku hadla afka dowladda.

July 6, 2023-ka Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa ku dhawaaqay Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha dowladda, kuwaas oo lagu eedeeyay musuqmaasuq, kaddib baaris uu sameeyay Xafiiska Hantidhawraha guud ee Qaranka.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in Xafiiskiisa uu maxkamadda Gobolka Benaadir uu u gudbiyay eedeesanayaashaan, kuwaas oo uu sheegay in lagu eedeeyay; Musuqmaasuq, been abuur Document, lunsasho hanti dawladeed, ka faa’iideyso xafiis dowladeed iyo dayacaan iyo gudasho la’aanta wajibaad saarnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here