Puntland oo Guddi u saartay dabkii ka kacay deegaanka Milxo ee Gobolka Sanaag

0
160

Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa laba maalin kaddib ka hadashay gubashaday deegaanka Milxo ee Gobolka Sanaag kaas oo caan ku ah qodashada dahabka.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in uu ka xun yahay dabkii ka kacay deegaanka, isaga oo sheegay in uu la qeyb sanayo dhibaatada ka soo gaartay dabka.

“Waxaan aad uga xumahay islamarkaana dareenka Murugada leh la qayb sanayaa bulshadayda reer Milxo ee dhibku kasoo gaadhay dabka halkaas ka kacay,” sida uu ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa Magacaabay guddiga gurmadka degdeg ah kaas oo ka shaqeenaya sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadkaan, “Aniga oo ka duulaya waajibaadka naga saaran Illaalinta Nafta iyo Maalka bulshadeena waxaan magacaabay Guddiga Gurmadka deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag aniga oo faray inay gaadhsiiyaan Gurmad deg deg ah islamarkaana soo sameeyaan xog uruurin ku saabsan khasaaraha dabkaasi geystay.”

Ugu dambeyn Karaash ayaa Bulshada Puntland ugu baaqay in la garab istaago bulshada reer Milxo, “Waxaan ugu baaqayaa bulshoweynta reer Puntland iyo Soomaalida kaleba in si buuxda loo garab istaago bulshada reer Milxo ee khasaaruhu soo gaadhay, dadka Soomaaliyeed waxa Astaan u ah iskaashiga iyo garab istaaga hadba kooda dhibku soo gaadho.”

Subaxnimadii khamiista ayaa deegaanka Milxo waxaa ka kacay dab xoogan oo khasaare badan dhaliyay, waxa uu burburiyay xarumo badan oo ganacsi. Dadka ku noolaa aagaas ayaa isaga baxay deegaanka kaddib markii ay waayeen gurmadii ay u baahnaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here