Dadka ku dhintay Dhul-gariirka Morooko oo kor u dhaafaya 2,012 ruux iyada oo gurmad uu socdo maalintii 3aad.

0
83

Dadka ku dhintay Dhul-gariirka Morooko oo kor u dhaafaya 2,012 ruux iyada oo gurmad uu socdo maalintii 3aad.

Dalka Morooko waxaa maalintii saddexaad ka socda gurmad loo sameynayo Dadka uu saameynta taban ku reebay dhul-gariirka cabirkiisu gaarayo 6.8 Magnitude ee Jimcihii ku dhuftay Dhulka buuraha ku wareegsan yihiin.

Dadka dhintay tiradoodu waa mid isbaddeleysa saacad weliba waxaana weli dhismaha dumay laga hoos baarayaa dad la waayay si loo helo nolol ama geeri middii lagu helo sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta gurmadka ku howlan.

Hay’adaha gurmadka sameynaya ayaa diiwaangeliyay xogta dadka la waayay, waxa ay si gaar ah uga raadinayaan meelaha ay ku tuhmayaan si taxadar leh ayaa dhagaxaanta looga qaadayaa si looga ogaado macluumaadkooda.

Waxa ay sidoo kale adeegsanayaan agabka codka dheereeya si ay u maqlaan codka hoose ee kasoo hoos yeeraya dhagaxaanta burburtay, gurmadkaan looma kala harin sida uu sheegay sarkaal katirsan dhinacyada ku howlan arrintaan.

Omar Benhanna oo ah 72 jir ayaa Wakaaladda Wararka AFP u sheegay in uu weli raadinayo xubno kamid ah ehelkiisa, waxa uu sheegay in ay dhinteen saddex carruur uu awoowe u yahay & hooyadood.

Waxa uu soo jeediyay in gurmadka la ballaariyo maadaama dad badan weli la raadinayo xogtooda si loo badbaadiyo intooda nool ee aanay awoodin in ay kasoo hoos baxaan dhagaxaanta dulsaaran waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhimashada guud waxaa hadda diiwaangashan 2,012 ruux halka dhaawaca uu yahay 2,059 inkasta oo khasaaraha uu intaas ka badan karo sababo la xiriira in uu socdo gurmad lagu raadinayo dadka iyo mid lagu badbaadiyo kuwa dhaawaca ah.

La soco wixii kasoo kordha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here