Sir Mo Farah oo maanta Ordaya tartankii ugu dambeeyay ee xirfadiisa.

0
77
OLYMPIC GAMES RIO 2016 20th August 2016 Pic By Richard Pelham Olympic Stadium Mens 5000m Final Mo Farah (gbr) wins Gold

Sir Mo Farah oo maanta Ordaya tartankii ugu dambeeyay ee xirfadiisa.

Taageerayaasha ayaa u dabaal dega mitir walba oo lasoo afmeero. Mo Farah ayaa dhoollaha muujiyey isaga oo labadiisa garbood kolba mid eegaya. Kadibna cagaha ayuu wax ka dayey ilaa dhamaadka iyo astaantiisa dabaaldegga.

Waa rikoorkii ugu horeeyay ee Maxamed Faarax lixdii tartan ee Great North Run, oo uu kaga adkaaday orodyahanka u dhashay dalka Itoobiya Mike Kigen oo uu dirqi kaga guuleystay. Taas waxay ka dhigtay inuu noqdo qofkii ugu horreeyay ee British ah ee ku guulaysta tartanka muddo 29 sano ah sannadkii 2014. Laakiin waa wiil Soomaaliyeed oo asalkiisu kasoo jeeda Somaliland.

Taasi waxay ahayd sannad astaan u ah bartamihii xilliyadiisii ugu wacnaa, sanadahaas la lodin waayey ee uu ku hantay labada billadood ee dahabka ah ee uu ka qaatay ciyaarihii Olombikada ee London iyo Rio labadaba.

Laga soo bilaabo heerkii ugu sarreeyey ee awoodiisa, ilaa Mo sagootintiisii u dambaysay.

Maanta oo Axada, 40 jirkaan ayaa ordi doona tartankii ugu dambeeyay ee xirfadiisa cajiibka ah isagoo ku laaban doona Waqooyi Bari si uu u dhameystiro safar macsalaameyntiisa ugu dambeysay ah oo uu ku marayo London iyo Manchester sanadkan.

Maxamed waxa uu muddo dheer ku adkaysanayay inuu u ogolaan doono jidhkiisu inuu u tilmaamo marka uu soo afjarayo xirfaddiisa orodka, kaas oo ku guuleystay 10 orodka dheer ah oo xiriir ah.

Isagoo ka caga jiidaya, oo aan awoodin in uu la qabsado heerka tababarka ee looga baahan yahay si uu uga qayb qaato tartannada. Faarax wuxuu ku dhawaaqay horaantii sanadkan in ugu dambeyntii soo afmeerayo xirfaddiisa orodka.

“Waxaan helay taageero cajiib ah sanadihii oo dhan ee orodka Great North. Waligayna waan ka qayb qaadan jiray tan iyo yaraantaydii. markaa waxay ahayd wax iska caadi ah runtii inaan go’aan ka gaaro tartanka ugu dambeeya ee orodka,” Faarax ayaa sidaas u sheegay BBC.

“In aan ku dhameysto ugu hooseyn kaalinta saddexaad waa ujeedkeyga laakiin waan ogahay inaan orodka soo afmeero oo aan ogaado inay tahay markii ugu dambeysay. Waxay noqon doontaa mid dareen leh siyaabo badan. Sababtoo ah, waad ogtahay, waa kama dambeystii.”

“Taageerada sanadkan waxay ahayd mid cajiib ah, inaad aragto sida dadku kuula fal galayaan, kuugu imanayaan ee kuugu fidinayaan taageeradooda iyo jacaylkooda, waa wax mar walba aan xasuusnaan doono.”

Laacibka afarta jeer ku guuleystay Olombikada ayaa had iyo jeer lala xiriirin doona guulihiisa xaadda kiciya gudaha garoonka Olombikada Korontada ee London 2012kii.

Waxuu halkaas taariikh ugu soo bandhigay taageerayaal buux dhaafiyey garoonka oo kor u dhafaya 80 kun oo qof. Orodka 10,000m ee uu billadda dahabka ah ka keenay, Maxamed Faarax ayaa wax aan la ilaawi karin u noqday dalka marti galinayey tartanka ee Ingiriiska, ka dib markii ay sidoo kale ku guulaysteen bilada dahab ah oo ay u qaadeen Jessica Ennis-Hill iyo Greg Rutherford.

Toddobo maalmood ka dib, waxa uu noqday ninkii toddobaad ee taariikhda Olombikada ku darsada taajka 5,000m ee horyaalkaas hal xilli ciyaareed. “Daacadii, 45 daqiiqo waxay ahayd mid cajiib ah. Weli ma rumaysan karo.”

Maqaamkii Faarax ee ahaa mid ka mid ah orodyahannada ugu waaweyn abid ayaa sare sii maray markii uu ku ceshaday bilada dahabka ah ee cajiibka ah ee uu afar sano ka dib ka qaata orodkii ka dhacay dalka Barazil, isagoo xitaa ka soo kabtay hoos u dhicii orodka 10,000 mitir ah kasoo gaaray, ka hor inta uusan ku dhameysan orodka 2017. Isaga oo ku guulaystay billaadiisii dahabka ee 10-aad ee caalamiga ah ciyaaraha aduunka.

Guulaha Faarax, oo inta badan ku caan ah dabaaldeggiisa ‘Mobot’, ayaa ka mid ah kuwii ugu waaweynaa taariikhda ciyaaraha fudud ee Ingiriiska. Iftiinkaas baxaya ayey dadku ku barteen xitaa si ka qoto dheer xirfaddiisa ciyaareed.

Filim Dokumentari ah oo ay BBC-du soo saartay sanadkii hore oo cinwaan looga dhigay ‘Mo faaraxa’ dhabta ah, ayuu dhinaca kale daaha kaga rogay sheekadiisa.

Halkii loo haystay inuu yahay qaxooti waalidkiisa la yimid, sidii horeba loo sheegay, wiil yar oo Xuseen Cabdi Kaahin la yiraah ayaa si sharci darro ah

Jabuuti looga keenay isagoo sagaal jir ah.

Magac been abuur ah ayaa loo bixiyay – Maxamed Faarax – waxaa lagu qasbay inuu daryeelo caruur qoys kale.

Isha: BBC Somali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here