Madax kala duwan oo maanta gaaray Magaalada Nairobi xilli maalintii labaad uu galay shirka isbadalka cimilada Afrika ee ka socda dalkaas

0
95

Madax kala duwan, dowlado iyo marti sharaf ka kala socota qaarada Afrika ayaa weli ku sii qulqulaya xarunta shirarka caalamiga ah ee Kenyatta International Conference Centre (KICC) ee magaalada Nairobi oo ay kaga qeyb galayaan shir madaxeedka cimilada Afrika oo maanta galay maalintiisii ​​labaad.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua ayaa ka mid ah mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya oo wafuuda ku qaabilaya KICC halkaasi oo la filayo in madaxweyne William Ruto uu khudbad ka jeediyo.

Dadka halkaasi gaaray waxaa ka mid ah; Madaxweynaha Ghana Nana Addo Akufo-Addo, Rwanda Paul Kagame, Madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zewde, Madaxweynaha Mozambique Filipe Jacinto Nyusi, hoggaamiyaha Liibiya Mohamed al-Menfi, dhiggiisa Sierra Leone Julius Maada Wonie Bio.

Shirkaan ayaa Soomaaliya waxaa ku matala Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Khadija Mohamed Al-makhzoumi, iyada oo halkaas kula kulantay qaar ka mid ah madaxda ka soo qeyb gashay shirka.

Wasiir Al-makhzoumi ayaa Magaalada Nairobi kula kulan qaadatay dhigeeda dalka Imaaraadka Carabta Mariam Almheiri, iyaga oo ka wada hadlay iskaashiga labada dal ee xal u helidda dhibaatooyinka Isbedelka Cimilada iyo u diyaar garowga shirka #COP28UAE ee ka dhacaya dalka Imaaraatka.

Shir madaxeedka cimilada ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo maalinta Arbacada oo taariikhda ku asteesan tahay September 6, 2023-ka, waxaan la filayaa gunaanadkiisa in laga soo saaro natiijooyin dhowr ah iyada oo madaxda Afrika iyo daneeyayaasha cimilada ay cagta saareen saameynta isbedelka cimilada ee qaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here