Xasan Sheekh oo ku labisan dharka Tuutaha oo gaaray Magaalada Maxaa

0
95

Xasan Sheekh oo ku labisan dharka Tuutaha oo gaaray Magaalada Maxaa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa gaaray Magaalada Maxaas oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Maxaas kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada oo ay dadka ree Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay tan iyo doorashadiisa soo muuqday isaga oo xiran dharka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo Magaalada Maxaas ku gaaray diyaarad kumaantiga u kacda.

Sawirrada laga soo qaaday Madaxweynaha ayaa dadka falanqeeyaha arrimaha Amniga waxa ay ku sheegeen in Madaxweynaha laga dareemayo sida ay uga go’antahay dagaalka ay dowladdiisa kula jirta Al-Shabaab xilli uu maanta guuray mid ka mid ah furimaha dagaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo bil ah u jooga gobolada dhexe ee dalka hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka uu socon doona inta ay dowladdiisa ka guuleysanayos.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here