13 qof oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday garoon kubbadeed oo ku yaalla Dalka Madagascar

0
166

13 qof oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday garoon kubbadeed oo ku yaalla Dalka Madagascar

Ugu yaraan 13 qof ayaa dhimatay oo ay kamid yihiin 7 carruur ah kaddib markii dad badan ay isku jiireen ama isku buurteen Garoon kubadeed oo ku yaalla Magaalada Antananarivo ee caasimadda Dalka Jasiiradda ah ee Madagascar.

Saraakiil katirsan waaxda caafimaadka ee Laanqayrta Cas ayaa sheegay in gargaar degdeg ah loo sameeyay dadka kale oo goobta joogay kuwaas oo ku qabatimay is buurashada ka dhacday garoonkaan laguna guuleystay in ay helaan daryeel.

Xildhibaan katirsan Golaha Deegaanka ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka xun yihiin loona baahnaa in la sameeyo taxadar dheeraad ah oo looga hortagayo dhacdooyinka lamidka ah middaan si aanay mar kale dib ugu soo laaban Madagascar.

Ra’iisul Wasaaraha Madagascar Christian Ntsay ayaa si hordhac ah u sheegay in dadka dhaawaca ah ay gaarayaan 80 qof oo la dhigay goobaha caafimaadka si daryeel caafimaad oo dheeraad ah loo siiyo.

Goobta isbuurashada ka dhacday waxaa ku sugnaa dad gaaraya 50 kun oo qof oo doonayay in ay ka qaybgalaan xafladda furitaanka cyaaraha Dalkaas balse waxa ay goobtu isku baddeshay meel dhimasho iyo dhaawac laga diiwaangeliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here