In ka badan 1,400 oo ruux oo Gaajo ugu dhimatay Waqooyiga Tigray.

0
175

In ka badan 1,400 oo ruux oo Gaajo ugu dhimatay Waqooyiga Tigray.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada ee loosoo gaabiyo WFP ayaa sheegtay in xaalad adag oo gaajo ah ay ka jirto Gobolka Dhaca Waqooyiga Dalka Itoobiya oo dhibaatooyin xooggan oo ka dhashay dagaalkii sokeeye raadadkii laga dhaxlay weli ka muuqda.

WFP ayaa sheegtay in haddii aan gargaar degdeg loogu helin in xaaladdu ay kasii dareyso oo dadka gaajada u dhimanaya ay kasii badan karto tirada diiwaanka la geliyay oo maalinba maalinta ka dambeysa xisaabtu sii badato.

Marka laga soo tago dagaallada dhibaatada u noqday cunno la’aanta waxaa jira in go’aanka hay’ado ay kamid yihiin kuwa Mareykanka ay ku joojiyeen gargaarkii ay siinayeen sababo la xiriira in ay ogaadeen in aan lagu simin gacmaha dadka baahan.

Baaritaan lagu sameeyay kiiskaas ayaa muujiyay in gacmo aanay ahayn kuwa gargaarka loo diray ay ku dhacaan kaalmada waddamada qaar ay siiyaan Itoobiya si gaar ah Gobolka Dhaca Waqooyiga ee Tigray.

In ka badan 1,400 oo ruux ayaa cunno la’aan darteed u ruux baxay, waxaasa laga cabsi qabaa in dhibaatooyin kale oo macluushu ugu horreyso in ay ka dilaaci karto deegaannada Ismaamulka Dhaca Waqooyiga Itoobiya ee Tigray.

Dagaalkii ka dhashay dib u dhigista Doorashada ee socday labada sano waxaa ka dhashay dhimasho badan oo ah dad isugu jira kuwa rasaas ku dhintay iyo kuwo kale oo gaajo awgeed u naf baxay kaddib markii ay waayeen wax ay cunaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here