Dhul Gariir Xoogan Oo Ka Dhacay Dalka Tanzania Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Dhulgariirkaasi Oo La Shaaciyay

0
164

Dhul Gariir Xoogan Oo Ka Dhacay Dalka Tanzania Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Dhulgariirkaasi Oo La Shaaciyay

Waxa xalay Dhul-gariir uu ka dhacay Deegaan 33 KM dhanka K/Bari kaga toosan Degmadda Ikungi ee Gobalka Singida ee dalka Tanzania, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Dhul-gariirka Halbeegiisu waxa uu ahaa 5.5 Richter Scale, lamana soo sheegin dad wax ku noqday, inkastoo uu jiro burbur soo gaaray qaar ka mid ah Dhismooyinka.

Dadka ku nool Deegaanka uu Dhul-gariirku ka dhacay ayaa sheegay inay burbur soo gaareen Muraayadaha Daaqadaha iyo Khaanadaha oo soo wada daatay.

Dhanka kale, Dhul-gariirka waxaa laga dareemay Deegaanada iyo Degmooyinka kala ah: Puma, Itigi, Mungaa, Mtinko iyo Dodoma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here