Madaxweyne Muuse Bixi Cabdi oo go’aamiyay xilliga la qabanayo doorashooyinka Soomaaliland

0
180

Madaxweyne Muuse Bixi Cabdi oo go’aamiyay xilliga la qabanayo doorashooyinka Soomaaliland

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Bixi Cabdi ayaa maanta go’aan uu soo saaray ku muddooyeeyey xilliga la qabanaya doorashada Xisbiyada badan ee maamulkaas, si loo helo saddexda xisbi ee ku tarmaysay Hoggaanka Soomaaliland iyo doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Bixi Cabdi ayaa lagu sheegay in doorashada Xisbiyada ay qabsoomi doonta dhammaadka sanadkaan, iyada oo laga dhigay December 28, 2023-ka, halka doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa la qaban doona November 13, 2024.

Sidoo kale warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliland ayaa lagu sheegay in go’aanka uu gaaray Madaxweyne Muuse Bixi Cabdi ay timid ka gadaal markii uu tix-raacaya Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo la xiriira Qoraalka Summaddiisu tahay Tix: KDG/XK/K-6/56/2023, kuna taariikhaysan 05/08/2023, waxa uu wareegto Madaxweyne ku cayimay Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka Xisbiyada iyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Somaliland.

Xisbiyada Mucaaradka ee kala ah Waddani iyo Ucid ayaa horay uga horyimid muddo kordhin uu sameestay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Bixi taas oo markii dambe ay sababtay Golaha guurtida ay ugu daraan laba sano oo dheeraad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here