Raísul Wasaare Xamse oo ka digay khatar amni oo Muqdisho kusoo wajahan amarna bixiyay

0
159

Raísul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in ciidanka dowladda oo gacan ka helaya kuwa ammaanka bilaabayaan howlgalo Al Shabaab looga saarayo deegaanno iyo degmooyin gacantooda ku jira.

Xamse Barre ayaa sheegay in ciidamada amniga marka ay bilaabaan howlgalada ay suurto gal tahay in kooxda Al Shabaab kusoo cararaan magaalada , waxa uuna faray hayádda amniga im ay galaan feyjignaan dheeraad ah.

Waxa uu sheegay Xamse Barre in suurto gal tahay in xubnaha Shabaabka ay ku dhax dhuuntaan dadka shacabka ah, waxa uuna dhacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada si looga hortago khatarta kooxahaasi.

“Hey’adaha amniga ee Muqdisho waxaa la farayaa inay feejignaadaan oo ilaaliyaan amniga magaaladaan, markii la duulo ee cadowgu jabo, wuxuu u cararayaa magaalooyinka lagu badan yahay, marka Muqdisho waxay ugu horeysaa magaalooyinka dadka ku nool lagu dhex dhuuma karo,” ayuu yiri Raísul Wasaare Xamsa.

Raísul Wasaare Xamse Barre ayaa ku amray ciidamada amniga in si weyn u feejignaadaan habeennada soo socda oo aysan seexan, waxa uuna sheegay in ciidamada looga fadhiyo in ay sii adkeeyaan amniga caasimadda oo ay wax badan ka bedeleen.

Hadalka Raísul Wasaare Xamse Barre ayaa kusoo aadaya xilli dhawwaan la filayo in ciidamada dowladda ay bilaabaan howlgalo la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaannada iyo degmooyinka kooxdaasi ka joogaan bariga gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here