Sacuudiga oo ku dhawaaqay dhimista xadiga shidaalka uu maalintii soo saaro

0
142

Sacuudiga oo ku dhawaaqay dhimista xadiga shidaalka uu maalintii soo saaro

Wadamada saliida soo saara ayaa ku heshiiyey in ay sii wadaan dhimista wax soo saarka si ay kor ugu qaadaan qiimaha caalamka, taas oo durbadiiba saameyntooda laga dareemay suuqa saliidda Caalamka.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay dhimi doonto hal milyan oo fuusto maalintii (bpd) bisha Luulyo waxayna Opec+ sheegtay in bartilmaameedyadu hoos u dhici doonaan 1.4 milyan bpd dheeraad ah laga bilaabo 2024.

Opec+ ayaa ku dhawaad ​​40% ka ah saliida ceyriinka ah ee aduunka go’aamadeeduna waxay saameyn weyn ku yeelan karaan qiimaha shidaalka ee caalamka.

Dagaalka ka dhex qarxay dalalka Ruushka iyo Ukraine ayaa saameyn ku yeeshay suuqa shidaalka Caalamka, kaas oo sababay in uu sara kac ku yimaado qiimaha shidaalka iyo Saliidda adduunka, xilli qaar ka mid ah waddamada Yurub ay xayiraad ku soo rogeyn Ruushka.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa laga dareemay sare u kac ku yimid qiimaha Shidaalka oo ka mid ah nolol maalmeedka bulshada, kaas oo qeyb weyn ka qaata isusocodka dadka.

Wadayaasha gaadiidka nuucyadiisa kala duwan ayaa cabasho ka muujiyay sare u kac ku yimid qiimaha Shidaalka, ayaga oo sheegay xilligaas in ay ka cabsi qabaan in ay iska dhigaan Gawaarida ay ku shaqeystaan oo isugu jira kuwa dad weynaha ay raacaan iyo kuwa Taxi ahaanta loo raaco.

Qiimaha shidaalka ayaa la kala siisan jiray Muqdisho inta uusan bilaaban dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine inta u dhaxeysa $0.70 illaa $0.85 bale, waxa uuna gaaray meeshii ugu sarreysay oo ah $1.10.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here