Sacuudiga & Mareykanka oo dhinacyada Suudaan isku haya ku qasbaya xabbad-joojin dhaqan gasha muddo todobaad ah.

0
173

Sacuudiga & Mareykanka oo dhinacyada Suudaan isku haya ku qasbaya xabbad-joojin dhaqan gasha muddo todobaad ah.

War kasoo baxay Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa lagu sheegay in dhinacyada isku haya Suudaan ee ka kala amar-qaata Janaraal Cabdifitaax Al-burhaan iyo Jananka kale ee sida gaarka ah u maamulo RSF ay gaareen xabbad-joojin muddo todobaad ah soconeysa.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in labadaan dhinac ay aqbaleen iyaga oo ka heshiiyay qaabka loo dhaqangelin karo maadaama dhowr jeer oo horay ay burbureen dedaallo xooggan oo lagu doonayay in xabbad-joojin laga dhaqangeliyo dhexdooda.

Wakiilo ka kala socday Labada Janan ee Jamhuuriyadda Suudaan ku dagaalamaya ayaa isku afgartay in dhinacyada ay ka socdaan ay u gudbiyaan heshiiskooda xabbad-joojinta todobaadka ah oo ay wada-galeen si loogu tallaabo qorshaha xiga.

Muddada usbuuca ah waxa ay fursad u noqon doontaa dad badan oo ku xayiran Magaalooyinka dhinacyadaan ay ku dagalaamayaan oo ay kamid tahay Khartuum oo ah Caasimadda Jamhuuriyadda Suudaan oo dad badan ay ku go’doonsan yihiin.

Sidoo kale, Ajaanibta ku sugan qaybo kamid ah Ciidda Suudaan ayaa heli doonna fursad ay dalkaas isaga baxaan si ay ugu yaraan u tagaan meelo amnigoodu wanaagsan yahay si aanay u saameyn markale dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here