Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo Safar ku tegay Talyaaniga.

0
136

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo Safar ku tegay Talyaaniga.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa maanta gaaray Magaalada Rome Caasimadda Dalka Talyaaniga, waxa uu la kulmay Madaxweynaha Dalkaas Sergio Mattarella, Haweeneyda Ra’iisul Wasaaraha ka ah Giorgia Meloni & Pope Francis.

Wakaaladda Wararka u faafisa Talyaaniga ee ANSA ayaa ku warrantay in Madaxweynaha Ukraine & Madaxda Dalkaas ay kawada hadleen sidii Garab istaag loogu muujin lahaa maadaama dalkiisa uu wajahayo xaalad adag.

Volodymyr Zelensky, Madaxweynaha Ukraine ayaa Madaxda Talyaaniga weydiistay in lagu gacansiiyo sidii loo muujin lahaa dhibaatooyinka uu dalkiisa ka geystay Ruushka oo ku duulay 24kii Febaraayo 2022.

Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa wadajir taageero ugu muujiyay hoggaamiyaha Ukraine iyaga oo ku baaqay in xal loo helo dagaalka daba-dheeraaday ee Ruushka uu kawado ciidda Dalkaas.

Volodymyr Zelensky Madaxweynaha Ukraine ayaa muddooyinkii dambe waxa uu ku jiray safar uu ku marayo Waddamo badan oo Qaaradda Yurub dhaca si uu u muujiyo dhibaatooyinka Ruushka uu ka geystay Dalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here