Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM oo fadhi degdeg ah ka yeeshay xadgudubyada ka dhacay Suudaan.

0
172

Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM oo fadhi degdeg ah ka yeeshay xadgudubyada ka dhacay Suudaan.

Kulan degdeg ah oo uu yeeshay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay waxaa lagu lafaguray xaaladda bani aadamnimo & xadgudubyada ka dhacay Jamhuuriyadda Suudaan oo labada ciidan ugu xooggan badan dalkaas ay foodda isdareen 15kii April 2023.

Golaha ayaa ugu horreyn cambaareeyay tacadiyada ka dhacay Jamhuuriyadda Suudaan waxaana labada dhinac ee dagaalamaya uu ugu baaqay in ay ka fogaadaan xadgudub weliba oo ka dhan ah aadanaha waxa sida loo dhigay war laga soosaaray kulanka kaddib.

Qaraarka ajendaha kulanka oo cod loo qaaday waxaa taageeray 18 Dal, waxaana kahor yimid 14 Waddan halka ay ka aamuseen 15 Dal, waxaana lagu muujiyay sida uu Goluhu ugu xun yahay dhibaatooyinka ka dhacay Suudaan.

Tacadiyada ka dhacay Suudaan ee fadhiga lagu soo bandhigay waxaa kamid ah, Kumanaan ruux oo si qasab ah loo barakiciyay, maciishadda Dalkaas oo kasii dartay qiimihii horay ay joogtay, Xadgudubyo dhanka Jinsiga ah, Dhimasho, Dhaawac, Burbur Dalka soo gaaray & boob loo geystay Hanti kala duwan.

Labada Janan ee Ku dagaalamaya Jamhuuriyadda Suudaan ayaa loogu baaqay in ay ka fogaadaan dhib weliba oo ka dhalan kara khilaafkooda siyaasadeed ee lagu xalin karo wadahadal iyo in ay kawada xaajoodaan.

Kumanaan ruux oo Ajaanib ah ayaa si degdeg ah looga daadgureeyay Dalka Suudaan gaar ahaan Magaalada Khartuum oo ah Caasimadda Dalkaas kaddib markii si lama filaan ah ay u dagaalameen Ciidamo kawada tirsan kuwa Dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here