Weerar culus oo xalay Ruushka ku qaaday magaalada Kyiv oo la fashiliyay

0
161

Weerar culus oo xalay Ruushka ku qaaday magaalada Kyiv oo la fashiliyay

Dowladda Ukraine ayaa shaacisay in ay fashiliyeen weerar culus oo dhinaca cirka ah oo xalay ciidamada Ruushka kusoo qaadeen magaalada Kyiv , waxaana weerarkan cabsi badan ka abuuray caasimadda Ukraine.

Diyaarado dagaal oo leeyihiin ciidamada Ruushka ayaa xalay gantaalo culus ku garaacay magaalada Kyiv, waxaana gantaaladaasi sheegeen milatariga Ukraine in la fashiliyay kana hortageen in ay waxyeelo geestaan.

Saraakiil katirsan milatariga Ukraine ayaa sheegay in gantaalaha difaaca cirka ay soo rideen 15 gantaal oo ah nooca loo yaqaano Cruise-ga ee Ruushka xalay kusoo garaaceen goobo kuyaalla magaalada Kyiv.

Milatariga Ukraine ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay gantaalaha Ruushka xalay kusoo garaacay caasimadda, waxa ayna sheegeen in weerarkan la fashiliyay una dhicin sidii Ruushka rabeen.

Weerarkan dhinaca cirka ah ee Ruushku ku qaaday magaalada Kyiv ayaa yimid saacado kahor xilli Ruushka u dabaaldagayeen maalinta guusha oo sannad walbo dalkaasi laga xuso, taa oo lagu weeneeyo jabkii Ruushka u geestay Naazigii Jarmalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here