Tahriibka Dhallinyarada Oo Kusoo Badanaya Gobolka Soomaalida Itoobiya
Bilihii lasoo dhaafay waxaa deegaanka Soomaalida ee Itoobiya kusoo badanayay dhallinyarada u tahriibeysa dalalka Yurub iyo Waqooyiga Ameerika.
Haddaba maxaa keenay kororka dhallinyarada naftooda ku halligaya tahriibka halista ah, maxaase uga qorsheysan maamulka Dowlad-deegaanka yareynta shaqo la’aanta dhalinyarada?
Su’aalahaasi iyo kuwo kale ayuu wariyaha VOA-da ee Jigjiga, Maxamed Cabdiraxman Gaataa weydiiyay Cabdiraxmaan Maxamuud Daahir oo ah agaasinka waaxda shaqo galinta ee Xafiiska Arrimaha Bulshada ee Dawlad-deegaanka Soomaalida.
Isha : Voa