Kenya oo Marin u noqotay Tahriibayaasha Soomaalida ah ee kusii qulqulaya Mareykanka.

0
248

Kenya oo Marin u noqotay Tahriibayaasha Soomaalida ah ee kusii qulqulaya Mareykanka.

Magaalada Nairobi caasimadda Kenya ayaa noqotay marin muhiim u ah socodka tahriibayaasha rabta in sida sharci darrada ah u galaan Mareykanka iyaga oo kasii gudbaya waddamo dhaca Laatiin Ameerika.

Dadka ugu badan ee Kenya ka baxa waa Soomaali inkasta oo ay jiraan Ajaanib kale oo u dhalatay waddamada deriska la ah Dalkaas iyaga oo diyaarad ka raaca Magaalada Nairobi si ay u tagaan Koofurta Ameerika ugana sii gudbaan Waqooyiga Qaaraddaas.

Dalalka badan ayay tahriibayaashu isaga kala gudbayaan, safarkooda oo ay murayaan dhul keymo u badan & meelaha biyaha Wabigu maro waxa ay adeegsadaan Doomo nooca yaryar ee dheereeya oo ay ku raacaan lacago.

Marka ay tagaan waddanka Mexico (Maksiko) waxa ay ka boodaan gidaarka xuduudda ah oo ay ku sugan yihiin ciidamada gaarka ah ee ilaalada Soohdinta Mareykanka uu la wadaago Dalkaas ee loogu talagalay kahortagga soogalootiga.

Qaarkood ayaa ku nagaada Mareykanka halka qaar kale ay u gudbaan dhanka Dalka Canada (Kanada) oo xuduud la leh dalkaas iyaga oo ka gudbaya Dhul cidlo ah oo baraf badan uu ka da’ay iyada oo ay suuragal tahay in dad qaar ay ku xannuunsadaan.

Inkasta oo uu jiro heshiis labo geesood ah oo ay wada galeen Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden & Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau oo dhigayay in la xakameeyo qulqulka soogalootiga gaar ahaan dhanka soohdinta labadaas dal ay wadaagaan haddana ma baajin socodka tahriibayaasha.

Illaa haatan ma jiro mas’uul katirsan Dowladda Kenya oo ka hadlay arrintaan, haddii ay Dowladdu qorshe u dejisay xakameynta qulqulka tahriibayaasha ka baxa Dalkeeda iyo haddii ay xeer adag ay ku xakameyneyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here