Kim Jong Un oo Shaaciyay in ay sameesteen Dayax Gacmeed loo adeegsado basaasid

0
154

Kim Jong Un oo Shaaciyay in ay sameesteen Dayax Gacmeed loo adeegsado basaasid

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa ku mashquulsan sameesashada hub casri ah iyo qalab ay u adeegsadaan howlaha basaasida, waxa ayna dowladan shuuciga ah horumarin badan ku wadaa howlaha la xariira sirdoonka iyo basaasida.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong Un ayaa shaaciyay in dalkiisa sameestay dayax-gacmeedkii ugu horreeyey oo ay ciidamada milateriga ee dalkaasi u isticmaali doonaan hawlaha basaasidda.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Kuuriyada Waqooyi oo soo xiganeysa Kim Jong Un ayaa sheegtay in dayax-gacmeedkaan loo adeegsanayo howlaha basaasida hawada loo diro taariikh aan la shaacin.

Khubaro ku xeel dheer arrimaha dayax-gacmeedka ayaa su’aalo geliyay in dayax-gacmeedada ay sameesatay Kuuriyada Waqooyi ay yeelan karaan kamarado aad u horumarsan, oo loo isticmaali karo hawlaha basaasnimada.

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa horey ugu guuleesatay in ay tijaabiso dayax-gacmeedyo kala duwan iyo sidoo kale gantaalo casri ah ay sameesteen, waxa ayna dowladan wali ku mashquulsan tahay hurumarinta hubka casriga sida gantaalada ridada dheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here