Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Dowladda & AS oo ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud

0
183

Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Dowladda & AS oo ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa tibaaxaya in dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo isku dhinac ah iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab uu ka socda dhulka hawdka ah ee u dhaxeeya deegaannada kala ah; Cali Yabaal iyo Cowsweyne oo ka wada tirsan Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ka socda deegaannada ayaa yimid ka gadaal markii Ciidamada Dowladda oo ku siijeeda degaanka Cowsweyne ay wadada u galeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab taas oo keentay in uu halkaas ka bilowdo dagaal la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Degaanka Cowsweyne ayaa ah deegaan muhiim u ah Al-Shabaab, isaga ka mid ah deegaannada ay hadda dagaalamayaasha Al-Shabaab kaaga sugan Gobolka Galgaduud. Iyada oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay deegaanadaas ka wadaan wajiga labaad ee dagaalka.

Dagaalka maanta ka socda deegaannada ayaa ku soo beegmaysa xilli Ciidanka Xogga Dalka gaar ahaan Ururka 4aad Guutada 16aad ee kumaandooska Danab iyo Ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ay maalinimadii shalay howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ka sameeyeen tuulooyin hoos yimaado deegaanka budbud ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada Dowladda, kuwa daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa hawgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada qaar ka mid deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Galgaduud, iyada oo Wasaaradda Difaaca ay shaacisay Sabtidii in Ciidanka Dowladda ay la wareegeen deegaan dalxiiseedka ee Budbud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here