Safiirka Midowga Yurub ee Suudaan oo Khartuum lagu dhaawacay.

0
175

Safiirka Midowga Yurub ee Suudaan oo Khartuum lagu dhaawacay.

Magaalada Khartuum Caasimadda Suudaan waxaa hoygiisa lagu weeraray Safiirka Midowga Yurub ee Dalkaas Aidan O’Hara waxaana soo gaaray dhaawac fudud sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan EU-da.

Diblumaasigaan u dhashay Ireland ayaa la shaqeeyay in dhaawiciisa uu yahay mid fudud oo aan halis badneed kaddib markii koox hubeysan oo loo maleyno in ay tahay dhinac kamid ah dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan ay weerartay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ireland Micheál Martin ayaa xaqiijiyay weerarka lagu qaaday Danjiraha Midowga Yurub ee Jamhuuriyadda Suudaan iyo dhaawaca soo gaaray balse ma bixin faah-faahin intaas ka baxsan.

Digniin ayaa loo diray Diblumaasiyiinta, Safiirrada & Muwaadiniinta aan u dhalan Jamhuuriyadda Suudaan si ay isaga ilaaliyaan halista kasoo gaari karta dagaalka u dhaxeeya Labada Sarkaal oo ku loolamaya maamulka Dalkaas.

Saacadba saacadda ka dambeysa waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho & dhaawaca ee ka dhashay dagaalka ka socda Magaalada Khartuum iyada oo ay adag tahay in la helo xog-dheeraad ah oo la xiriirta waxyeellada labada dhinac maadaama shacabka dhaqdhaqaaqooda la xayiray.

Ugu yaraan 190 ruux ayaa geeriyootay halka ay dhaawacmeen ku dhawaad 2,000 oo qof waxaana intaas ka badan kara tirada lasoo gudbiyay sababo la xiriira in ay jiri karaan dad ku xayirmay goobaha dagaalka ka socdo.

Yaa isku haya Suudaan?

Jaranaal Maxamed Xamdaan Daqalo oo ah hoggaamiye ku xigeenka Golaha Militariga ee Afgambiga ku qabsaday Suudaan Oktoobar 2021 waxa ay is hayaan Janaraal Cabdifitaax Al-burhaan oo ah Madaxa Golaha Talada haya.

Dagaalkooda waxa uu salka ku hayaa qaabka ciidanka la magac baxay Gurmadka degdega ah ee Suudaan loona soo gaabiyo RSF maadaama uu fashilmay qorshe nidaamka militariga looga wareejinayo maamulka loona gacangelinayo Shacabka.

Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta & waddamo kale ayaa koox koox iyo shaqsi shaqsi uga hadlay xaaladda murugsan ee Suudaan, waxa ay labada dhinac ee is haya usoo jeediyeen in ay wadahadlaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here