Kuuriyada Koofureed, Mareykanka & Japan oo dalbaday in la mamnuuco shaqaalaha Kuuriyada Waqooyi ay u dirto Dalalka Dibadda ah.

0
171

Kuuriyada Koofureed, Mareykanka & Japan oo dalbaday in la mamnuuco shaqaalaha Kuuriyada Waqooyi ay u dirto Dalalka Dibadda ah.

Dalalka u xulufoobay colaadinta & caadis saarista Kuuriyada Waqooyi ee kala ah Mareykanka, Kuuriyada Koofureed & Japan ayaa dejiyay Qorshe cusub oo lugaha looga xirayo Xukuumadda Pyongyang si dalkaas loo go’doomiyo dhinac weliba.

Kuuriyada Koofureed, Mareykanka iyo Japan ayaa wadajir u dalbaday in la joojiyo oo la mamnuuco Shaqaalaha Kuuriyada Waqooyi ay u dirto Dalalka Dibadda kuwaas oo dhaqaalaha ay soo helaan dalkooda ku kaba.

Saddexdaan waddan ayaa sidoo kale soo jeediyay in la xakameeyo weerarada dhinaca Internetka ah ee Dalkaas uu geysto maadaama lacagaha uu ka helo ku maalgeliyo hubka halista badan ee Nukliyeerka ee sida isdaba-joogga ah ay u tijaabiso Pyongyang.

Wakiilada sare ee Mareykanka, Kuuriyada Koofureed & Japan ee u qaabilsan hubka Nukliyeerka oo ku kulmay Magaalada Seol ee xarunta Kuuriyada Koofureed ayaa is tusiyay in qorshahaan ka shaqeysiintiisa uu soo afjarayo gantaallada Kuuriyada Waqooyi sameysaneyso.

Qaramada Midoobay ayaa 11 jeer waxa ay xayiraad iyo cunaqabateyn isugu dartay Kuuriyada Waqooyi si ay u joojiso gantaallada ay sameysaneyso isla markaana tijaabintiisa ay kasoo qaylo dhaamiyeen waddamada xadka la wadaago balse ma dhaqangelin.

Mareykanka ayaa Kuuriyada Waqooyi & Ruushka ku eedeeyay in ay jabsadaan Bangiyada, Shirkadaha iyo xarumaha Muhiimka ah kaddibna lacago madax-furasho ah oo dalkaas dambi ciqaab ka dhalan karta ka ah ka qaata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here