Shirweynaha Midowga Afrika oo maanta lagu soo gaba-gabeynayo Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

0
206

Shirweynaha Midowga Afrika oo maanta lagu soo gaba-gabeynayo Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Magaalada Addis Ababa xarunta Dalka Itoobiya waxaa maanta lagu wadaa in lagu soo gaba-gabeeyo shir madaxeedka meertada 36aad ee Ururka Midowga Afrika oo loogu talagalay in uu socdo 18ka illaa 19ka Febaraayo 2023.

Madaxda shirka ka qaybgaleysa oo uu kamid yahay madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kawada hadlay muhiimadda ay leedahay in iskaashi xooggan uu dhexmaro waddamada xubnaha ka ah ururkaan iyo sida loo dhaqangelin karo qodobada miiska lasoo dhigay.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyay waxa uu ka hadlay Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Amniga, Siyaasadda, Dib u heshiisiinta, Dhammeystirka Dastuurka & xoojinta cilaaqaadka Soomaalida ay la wadaagto waddamada caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah Madaxda ka qaybgaleysa meertada 36aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika oo maanta lagu wado in warmurtiyeed laga soosaaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here