Dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood oo maalintii 8aad oo xiriir ah galay.
Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool waxaa maalintii 8aad oo xiriir ah ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland & Dadka Magaaladaas, dagaalka tooska ah waxaa barbar socda madaafiic ku dhaceysa qaar kamid ah Xaafadaha Laascaanood.
In ka badan 30 ruux ayaa ku geeriyootay dagaalka maalinta 8aad galay ee ka socda Magaalada Laascaanood halka ay dhaawacmeen tiro intaas ka badan waxaana barakacay qoysaska qaar kaddib markii saameyn taban ay ku reebtay duqeyn hubka culus loo adeegsanayo.
Saraakiil katirsan Gargaarka Degdega ah ayaa sheegay in duqeynta ay saameysay Goobo kala duwan oo ay kamid yihiin kuwa Caafimaadka ee la dhigay Dadka dhaawacyada kusoo gaaray dagaalka ka socda Laascaanood.
In ka badan 21 qof oo xaaladdoodu liitado ayaa la keenay Magaalada Muqdisho si ay u helaan daryeel caafimaad maadaama dhaqaatiirtii loo geeyay ay ku taliyeen in lagu daweeyo Isbitaallada ku yaalla Caasimadda.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegtay in ay iska caabbineyso dhinaca soo weeraray oo ay ku tilmaamtay in ay yihiin ‘Argagixiso’ kusoo duushay saldhigyada Ciidamada iyo goobaha ay degen yihiin Wasiiro katirsan Xukuumadda Muuse Biixi.
Garaadada Laascaanood ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay ‘Xasuuq’ ka geysaneyso Xarunta Gobolka Sool, dhinaca dagaalka kala soo horjeeda oo ah Dadka deegaanka ay ka kacdoomeen dilalka Dadka waxgalka ah, Duqeynta aan loo meel dayin & dhibaatooyinkii ka dhacay Magaaladaas.
DFS, Beesha Caalamka, DG Puntland, Culimada & dhinacyo kale oo kala duwan ayaa ku baaqay in shuruud la’aan la joojiyo dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood ee billawday 6dii Febaraayo 2023 balse dhinacna dheg jalaq uma siin dalabkaas.