Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Maanta Gaaray Zambia & Kulamo Uu Bilaabayo
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay Caasimadda Dalka Zambia ee Lusaka oo ay maanta uga bilowmayso booqasho qaadan doonta maalmo.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Lusaka ee kenneth kaunda Airport, kusoo dhoweeyay Safaarada Soomaaliya ee Zambia, Guddoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.
Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Lusaka ee caasimadda dalka Zambia waxa uu kulamo la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Ganacsatada dalkaasi, Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliya Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland iyo saraakiil Madaxtooyo.
Madaxweyne Deni ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, isagoona halkaas kulamay inta badan wakiilada Beesha Caalamka ee taageera dowladda Federaalka Soomaaliya
Madaxweynah ayaa wakiilada uu la kulmay kala hadlay xaaladda Guud ee Soomaaliya gaar ahaan Arrimaha dhaqaalaha iyo Siyaasadda iyo Iskaashiga Puntland iyo Beesha Caalamka iyo Doorashooyinka Hal qof iyo hal cod ee Goleyaasha Deegaanka degmooyinka Puntland.