Dowladda Soomaaliya Iyo ATMIS Oo Ka Shiray Ka Hortagga Qaraxyada Al-Shabaab
Iyada oo qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ay ka socdaan howlgalo ciidan oo wadajir ah oo looga soo saarayo deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, ayaa saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS iyo kuwa Xoogga dalka kulan ay yeesheen waxa ay kaga hadleen sidii looga hortagi lahaa qaraxyada ay geystaan Al-Shabaab.
Qaraxyada ayaa si aan kala sooc lahayn loo dhigaa Wadooyinka Muhiimka ah iyo Wadooyinka kale, waxaana taasi ay keentaa in askarta dowladda & dad rayid ah ay waxyeelo kasoo gaarto, waxaana hakad la galiyay isu socodkii Badeecooyinka iyo dadka. Si loo yareeyo tan, ATMIS iyo ciidamada XDS waxay kor u qaadayaan awoodaha ka hortagga qaraxyada ayaa lagu yiri” War kasoo baxay howlgalka ATMIS.
“Sababta aan u yeelanayno habab cusub oo loo wada dhan yahay oo la shaqeyn karo oo ku aaddan la dagaallanka khatarta qaraxyada waa in xeeladaha Al-Shabaab ay isbedeleen. Fikirkeenu waa in aanu noqon mid ka sii fog, balse waa in uu ka sii ballaaran yahay” ayuu yiri Ku-simaha Taliyaha Ciidanka ATMIS, Brig. Gen. Keith Katungi oo ka hadlayay kulanka oo saddex maalmood socday, kaas oo qorsheyntiisa iyo isku dubaridkiisa ay fududeysay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miino baarista (UNMAS) isla markaana ay taageertay Kooxda Taageerada Howlgalka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya.
64-ka sarkaal ee ka qeyb galay shirkaan, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo abuuri lahaa jawi ay ku shaqeeyaan ATMIS iyo xoogga dalka, iyadaoo kor loo qaadayo howlgallada ka hortagga qaraxyada iyo sidoo kale yareynta saameynta walxaha qarxa ay ku yeelanayaan howlgallada meelaha la xoreeyay iyo nawaaxigeeda.
“Howlgallada wadajirka ah ee ciidamada xoogga dalka iyo ATMIS ayaa Al-Shabaab loogu geystay khasaare badan, waxaana laga saaray dhul ballaaran, annagoo ka jawaabayna, waxaan aragnaa inay kordheyn qaraxyada ay sameynayaan,waxaana ku baaqaysaa in la qaado tallaabooyin ka hortag ah oo ku habboon si loo yareeyo khatartan,” ayuu yiri madaxa ciidamada ATMIS Col. Davidson Nwogu.
Shirkaan ayaa wuxuu daba-socday shirkii daneeyayaasha ee la qabtay bishii Juun ee sannadkan si loo dejiyo qaab-dhismeedka horumarinta istaraatiijiyad dhammaystiran si loo yareeyo khatarta qaraxyada ee fulinta waajibaadka ATMIS