Mareykanka Oo War Kasoo Saaray Duqeyn Uu Ku Dilay Xubno Ka Tirsanaa Al-Shabaab

0
176

Mareykanka Oo War Kasoo Saaray Duqeyn Uu Ku Dilay Xubno Ka Tirsanaa Al-Shabaab

Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaarada afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa ka hadlay duqeyn diyaaradeed oo dhanka cirka oo ay ka fuliyeen khamiistii lasoo dhaafay ee 3-da November meel u dhow degmada Cadala ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta diyaaradeed lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsanaa Al-shabaab, isla markaana duqeynta ay ka dhalatay khasaaro nafeed oo gaaray shabaabka.

Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay in duqeynta ka dhacday meel ku dhow degmada Cadale ay ku dileen 15-xubnood oo kamid ahaa Al-shabaab, waa sida lagu yiri Qoraalka ay soo saareen Taliska Ciidamada Mareykanka ee loo yaqaan AFRICOM.

Sidoo kale waxaa ay tilmaameen in duqeynta diyaaradeed ay ku timid Codsi dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama Al-shabaab ay weerar culus kusoo qaadeen Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa degaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Sida ay Warka ku sheegeen Mareykanka, duqeynta ayaan wax khasaaro dhimasho ama dhaawac ah kasoo gaarin dadkii shacabka ahaa ee goobta ka agdhawaa, isla markaana la bartilmaameedsaday oo kaliya xubnihii Shabaabka oo goob ku sugnaa.

Dhinaca kale Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay gelinkii dambe ee Khamiistii kusoo biireen dagaal saacado badan socday oo Shabaabka iyo ciidamada dowladda ku dhex-maray deegaanka tardo ee Gobolka Hiiraan, duqeyntaasna looga dilay 8-xubnood, waa sida ay sheegeen Shabaabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here