Maraykanka Oo Hubkiisa Nukliyeerka Gaynaya Yurub Iyo Ruushka Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay

0
306

Maraykanka Oo Hubkiisa Nukliyeerka Gaynaya Yurub Iyo Ruushka Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay

Ruushka ayaa manata oo Sabti ah sheegay in tallaabooyinka sii xoogeysanayo ee Mareykanka uu hubka Nukliyerka ee casriga ah uu ku geynayo Yurub inay hoos u dhigasyo “xakameynta loo jideeyay Nukliyeerka” isla markaana Ruushka uu u dhaqaaqi doono qorsheynta ciidamadiisa militeriga.

Mareykanka ayaa hubka casriga ah ee Nukliyeerka B61 geynayaa saldhigyada dalalka gaashaanbuurta Nato ay ku leeyihiiin qaaradda Yurub.

Duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine ayaa horseeday xiisaddii ugu xumeyd ee dhexmarta xukuumadda Moscow iyo Reer Galbeedka tan iyo sanadkii 1962 iyo xiisaddii ka dhalatay gantaalladii Cuba kadib markii labadii dal ee ugu awoodda badnaa ee dunida ay qarka u saarnaayeen inay galaan dagaal Nukliyeer ah.

Ruushka wuxuu heystaa 2,000 oo gantaall oo hubka Nukliyeerka ah halka Mareykanka uu heysto ku dhawaad 200 oo hubkaas kuwaas oo kala bar ka mid ahi ay u yaallaan saldhigyo ku yaalla Talyaaniga, Jarmalka, Turkiga, Belgium iyo Netherlands.

Wargeyska Politico ayaa ku warramay in Mareykanka uu shirka Nato uu ka sheegay in uu sare u qaadayo dadaallada uu hubka casriga ee B61, B61-12 iyo hub cusub uu ku geynayo saldhigyada ku yaalla Yurub meesha lagu gaaro December, qorshahaas oo kasoo horumaray xilliggii loo asteeyay.

“Ma iska indho tiri karno qorshayaasha lagu casriyeynayo hubka nukliyeerka, taasoo ah xawaaraha deg deg ah ee hubka lagu keenayo Yurub” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Ruushka, Alexander Grushko xilli uu la hadlayay wakaalada wararka ee RIA. Gantaallada 12-ft iyo B61-12 waxay xambaaraan madaxyada Nukliyerka marka loo eego noocyihi hore balse waa kuwo wax ku ool ah oo geli karo dhulka hoostiisa, sida laga soo xigtay cilmi-baaris ay sameeyeen Ururka Saynisyahannada Maraykanka. “Maraykanka waa uu casriyeynayaa hubkan, isagoo kordhinaya waxtarkiisa, wuxuuna yareynayaa awoodda koronto qaadashada nukliyeerka, waxay hubkan u roggayaan mid lagu adeegsan karo goobaha dagaalka taas oo hoos u dhigi kaerto heerka xakameynta Nukliyeerka,” ayuu yiri Alexander Grushko.
Putin: “Adduunka wuxuu galaya 10 sano ugu halista badnaa”

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka digay in adduunka uu wajahayo tobankii sano ee ugu halista badnaa tan iyo dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka.

Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu jeediyay dhawaan taas oo uu ku doonayay in uu qiil ugu sameeyo duulaanka Ruushka ee Ukraine. Tallaabadaas oo dalkiisa ka dhigtay mid ku gala xaalad go’doon oo caalami ah.

Mr Putin ayaa sidoo kale ku eedeeyay reer galbeedka in ay isku deyeyaan in ay ku baqa maalaan hubka Nukliyeerka taas oo ay isku deyayaan si ay ugu qasbaan xulafada Ruushka in ay dhabarka u jeediyaan Moscow ayuu sheegay. Dhawaan ayay ahayd markii waddammada Reer Galbeedku ay dhalleeceeyeen, hanjabaadaha nukliyeer ee ruushku bixiniyey.

Horraantii todobaadkan isbahaysiga militariga Nato ayaa cambaareeyay sheegashada aan la hubin ee Ruushka ee ah in Ukraine ay isticmaali karto “bam sun ah” – kaas oo walxahiisa qarxa la soo raaciyey shucaaca halis ah oo saamayntiisu waarto.

Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta Nato Jens Stoltenberg ayaa sheegay in xubnaha isbahaysigu “ay iska fogeeyeen eedaymahaas” xilli ay dhankooda ku doodeen “in Ruushku iskudeyayo abuuridda marmarsiinyo uu ku sii xumeeyo xaalka dagaalka”.

Madaxweyne Putin ayaa ka hadlayay fagaaraha sanadlaha ah ee Valdai ka dib guuldarrooyin isdaba joog ah oo millatari oo dhawaan kaga dhacay Ukraine, halka dhanka kalena cadhada ay shacabku ka qabaan doonistiisii ku aaddanayd qoridda askar cusub oo gaadhsiisan illaa 300 oo kun ay sii baahaysay.

Intee ayuu la’eg yahay baaxadda hubka Nukliyeerka ee Ruushku haysto?
Dhammaan tirooyinka ama baaxadda ku saabsan hubka nukliyeerka waa qiyaas, balse, sida laga soo xigtay Ururka Saynisyahanada Maraykanka, Ruushku wuxuu haystaa 5,977 oo madaxyo nukliyeer ah – qalabka guba fiyuuska qaraxa nukliyeerka – inkastoo tiradaas la sheegay inay ku jiraan ilaa 1,500 madaxyo nukliyeer ah oo aan shaqeynin kuwaas oo la rabo in la burburiyo.

4,500 amawax ka badan madaxyada nukliyeerka ee haray, intooda badan waxaa loo tixgeliyaa hubka istaraatiijiga ah ee nukliyeerka – gantaalada ballistic-ga ama gantaallada lagu hagi karo bartilmaameedyada fog. Tirada hubka nukliyeerka ee Ruushka:

1: Gantaallada qaaradaha u kala goosha: 1,1852.

2: gantaallada balistikada ah ee ay qaadaan maraakiibta quusta: 8003.

3: Gantaallada nukliyeerka ee laga soo gano diyaaradaha: 580

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here