Turkiga oo xarun u noqonaya gaaska dabiiciga ah ee Ruushka.

0
263

Turkiga oo xarun u noqonaya gaaska dabiiciga ah ee Ruushka.

Turkiga ayaa xarun u noqonaya Gaaska Dabiiciga ah ee Ruushka kaddib markii Madaxweynaha Dalkaas uu saxiixay qorshaha dalkiisa uu ku doonayo in uu maamulo Gaaskaas oo fursad muhiim ah u ah.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa qalinka ku duugay heshiiskaas Gaaska dabiiciga ah ee dalkiisa dib ugu celinayo Turkiga maadaama xaalad adag oo dagaal toos ah & mid dadban uu kala kulmayo waddamo dhowr ah oo Mareykanka ka mid yahay.

“Wadamada Yurub waxa ay hadda raadinayaan meel ay ka helaan sahayda gaaska dabiiciga ah, Ilaah mahadii Turkiga kama jirto dhibatadaas oo kale. Waxaan rajeyneynaa, in aan dhowaan noqon doono xarun gaaska dabiiciga ah qaybisa” Sidaasi waxaa yiri MW Erdogan.

Turkiga waxa uu Gaaska Dabiiciga ah usoo mari jiray Dhuumaha shidaalka ee lagu magacaabo TurkStream, balse waxa uu Ruushka u wareejiyay Dhuumaha Nord Stream ee mara Biyaha Badda Baltic & dalalka Yurub.

Sababta keentay arrintaan ayaa ah in Ruushka uu dareemayo cabsi xooggan oo ka dhalan karta duullaanka uu ku qaaday waddanka ay xad-wadaagga yihiin ee Ukriane 24kii Febaraayo 2022, waxaa hoos u dhacay qiimaha Agabka Ruushka balse waxaa ka saameyn batay dalalka sida dadban dagaalka ku galay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here