Maraykanka Oo Ruushka U Diray Digiin Culus Oo Ku Aaddan Dagaalka Ukraine

0
350

Maraykanka Oo Ruushka U Diray Digiin Culus Oo Ku Aaddan Dagaalka Ukraine

Maraykanka ayaa uga digay Ruushka “Cawaaqib xumada” ka dhalan karta, haddii uu hubka nukliyeerka u isticmaalo dagaalka uu ka wado dalka Ukraine, sidaas waxaa sheegay Jake Sullivan, la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Joe Biden oo Axaddii warbaahinta la hadlay.

Sullivan oo marti ku ahaa barnaamijka bandhigga toddobaadka ee telefiishanka ABC ayaa sheegay in saraakiisha Maraykanku ay si gaar ah ugu sheegeen dhiggooda Ruushka, in madaxweyne Biden “uu si cad uga jawaabi doono” haddii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu amro weerar nukliyeerka ah, laakiin ma uusan sheegin sida uu Maraykanku uga jawaabi doono.

Jawaabta Maraykanka ayaa timid ka dib markii madaxweyne Putin uu muujiyey suurtagalnimada weerar nukliyeer ah, ka dib markii uu toddobaadkii hore dib ugu yeedhay illaa 300,000 oo ah ciidamada kaydka ah, si ay gacan uga geystaan dagaalka toddobada bilood ka socda dalka Ukraine.

Kordhinta ciidamadan ayaa timid, ka dib markii Ruushku uu dib u dhac kala kulmay furimaha dagaalka, iyada oo ciidamada Kyiv ay dib u qabsadeen dhul ballaadhan oo ku yaalla Woqooyiga Bari ee Ukraine, oo Ruushku uu qabsaday toddobaadyadii hore ee dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here