Muhaajiriin Soomaali u Badan Oo Ka Baxay Turkiga Oo Lagu La’yahay Xeebaha Dalka Giriigga

0
423

Tahriibayaal Soomaali ku jirto oo lagu badbaadiyay Xeebaha Giriigga.

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Giriigga ayaa badbaadiyay qaar kamid ah Tahriibayaal Soomaali ay kamid tahay halka weli la baadigoobayo dadka qaar oo la waayay sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan ciidanka Badda Dalkaas.

Markabkaan waxaa la socday ku dhawaad 55 ruux oo dhalasho dalal kala duwan ah waxaana la badbaadiyay qaar kamid ah, sarkaala katirsan ciidanka ilaalada xeebaha Giriigga ayaa sheegay in la helay 49 ruux halka lagu raad-joogo dadka kale.

Xeebta Leros ayaa la geeyay Dadkaan oo u kala dhashay Sierra Leone, Soomaaliya & Uganda balse Booliisku ma sheegin tirada waddan weliba uu ku leeyahay Tahriibayaashaan oo la dejiyay goob loogu talagalay in lagu haayo.

Ciidanka waxaa gaaray war kale oo sheegaya in uu dhacay shil kale balse ma bixin macluumaad dhammaystiran oo muujinaya dhimasho, Dad la helay, Tiradooda, jinsiyaddooda & xogaha guud ee la iska waydiinayo shilkaas.

Jasiiradda Leros waxa ay Magaalada Athens oo ah Caasimadda Giriigga u jirtaa 317 KM, marin ayay u noqotay Tahriibayaasha ka gudba Turkiga si safar dhulka ah ay uga billaabaan Giriigga una sii tagaan waddamada kale ee Qaaradda Yurub.

Warbixinno ay soosaareen Hay’adaha u xilsaaran Tahriibayaasha ayaa lagu sheegay in sababta kordhisay qulqulka dhalinyarada u badan kuwa u dhashay waddamada colaadaha & gaajada ay ka jiraan ay tahay in ay aaminsan yihiin in ay halayaan nolol wanaagsan iyaga naftooda halis geliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here