Maxkamadda Ugu Sarreysa Kenya Oo Raila U Fasaxday Dib-U-Eegista Qalabka Codadka Doorashada

0
250

Maxkamadda Ugu Sarreysa Kenya Oo Raila U Fasaxday Dib-U-Eegista Qalabka Codadka Doorashada


HomeCaalamka
Maxkamadda Ugu Sarreysa Kenya Oo Raila U Fasaxday Dib-U-Eegista Qalabka Codadka Doorashada
On Aug 31, 2022

Share
Garsooreyaasha maxkamadda ugu sarreysa Kenya ayaa ku armay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudaha inuu u fasaxo wakiillada xisbiga murashaxa madaxweynaha Kenya, Raila Odinga, inay kormeer ku sameeyaan xog-keydiyeyasaha kumbiyuutarrada loo isticmaalay gudbinta tirinta codadka iyo keydintooda.

Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay in muddo 48 saac gudahood ah baaris iyo dib-u-tirin lagu sameeyo 15 xarun cod-bixin, taas oo qeyb ka ah diidmada uu doorashada ka gudbiyay Odinga, kaddib markii Wafula Chebukati oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashada uu shaaciyay in madaxweyne ku-xigeenka William Ruto uu ku guulaystay doorashadii la qabtay 9-kii Agoosto.

Guddoomiyaha Maxkamadda, Martha Koome ayaa fartay madaxa booliska inuu si wanaagsan u sugo amniga wakiillada inta ay socoto howsha kormeerka oo ka dhici doonta meel aan la shaacin.

Toddobo qaaddi ayaa Arbacada maanta ah dhegeysan doona dacwadda la xiriirta doorashada madaxtinnimada Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here