Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Isku Dhacyo Baqdaad Ku Dhex-Maray Ciidanka Ammaanka Iyo Dad Shacab Ah

0
284

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Isku Dhacyo Baqdaad Ku Dhex-Maray Ciidanka Ammaanka Iyo Dad Shacab Ah

Ugu yaraan labaatan qof, ayaa ku dhintay boqollaal kalana way ku dhaawacmeen, iska horimaad ka dhacay agagaarka baarlamaanka Ciraaq ee magaalada Baqdaad.

Gantaalo, hoobiyeyaal iyo qoryaha darandooriga u dhaca, ayaa loo adeegsaday iska horimaad dhexmaray ciidamada ammaanka Ciraaq, iyo taageerayaasha wadaadka Shiicada ah ee Muqtada Al-Sadr.

Isbahaysigiisa siyaasadeed ayaa ku guuleystay tiradii ugu badneyd ee kuraastii baarlamaanka ee doorashadii sannadkii hore.

Balse Isniintii ayuu Muqtada ku dhawaaqay inuu xirayo xafiiskiisa siyaasadda, taasoo keentay in taageerayaashiisa ay xoog ku galaan xarunta madaxtooyada.

Shirkadaha diyaaradaha ee gobollada dalkaasi isaga kala goosha, ayaa hakiyay duulimaadyadii ay sameyn jireen, iyadoo waddamada jaarka ay ku boorriyeen muwaadiniintooda inay Ciraaq ka baxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here