Al-Shabaab Oo Sheegay Inay Weli Ka Dhex Dagaalamayaan Hotelka Xayaat Ee Muqdisho

0
379

Al-Shabaab Oo Sheegay Inay Weli Ka Dhex Dagaalamayaan Hotelka Xayaat Ee Muqdisho

Weerar xoogan oo ku bilowday qaraxyo Is-miidaamin ah oo loo adeegsasday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa habeen kahor waxaa Al-shabaab ay ku qaaday hotelka Xayaat ee Muqdisho, waxaana halkaas ka dhacay dagaal qaatay in ka badan 30 saacadood oo xiriir ah.

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka kala duwan ee dowladda Federaalka iyo raggii weerarkii soo qaaday ayaa habeen hore illaa xalay ka socday gudaha Hotelka Xayaat, oo dhowr jeer isku dayeen Ciidanka dowladda inay soo afjaraan howlgalka dheeraaday ee hotelka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda oo ay ku sheegayaan in lasoo afjaray weerarkii Al-shabaab ku qaaday hotelka Xayaat, in kastoo xalay ay istaagtay rasaastii laga maqlay gudaha hotelka ku yaalla Isgoyska KM-4.

Dhinaca kale Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in saaka oo Axad ah ay dagaalyahanooda ka dhex dagaalamayaan hotelka, isla markaana ay iska difaaceen weerar uga yimid dhanka Ciidanka dowladda, waa sida ay hadalka u dhigeen.

In ka badan 25 ruux oo isugu jira shacab, siyaasiyiin, Odayaal dhaqan iyo Askar Ciidan ayaa ku dhintay weerarkii ka dhacay Hotelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay sodameeyo ruux oo xaaladdiisa Caafimaad lagula tacaalayo Isbitaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here