Banaanbaxyo Waa Weyn Oo Ka Socda Somaliland Iyo Internet-Kii Oo La Jaray

0
315

Bannaanbaxyo xooggan ayaa saaka ka socda Magaalooyinka Somaliland,waxaana isku soo baxay dadweyne kala duwan oo kasoo hor-jeeda Madaxweynaha talada haya ee Muuse Bixii Cabdi.

Kumannaan Shacab ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka,kuwaasi oo ku qaylinaya Erayo ka dhan ah Xukuumadda talaada haysa, waxaana horay banananbaxyadaasi ugu dhawaaqay Guddoomiye yaasha Xisbiyada Mucaaradka.

Magaalooyinka waa weyn oo ay ka mid yihiin Haregysa iyo Burco ayaa lagu soo warramayaa in uu Bannaanbaxu ka socdo, waxaana muuqaalo iyo sawirro la baahiyay ay muujinayaan dadweyne aad u farabadan oo waddooyinka ku bannaanbaxaya, kana soo horjeeda Nidaamka hadda talada haya ee uu hoggaamiye Muuse Biixi Cabdi.

HomeWarar
Banaanbaxyo Waa Weyn Oo Ka Socda Somaliland Iyo Internet-Kii Oo La Jaray
On Aug 11, 2022

Share
Bannaanbaxyo xooggan ayaa saaka ka socda Magaalooyinka Somaliland,waxaana isku soo baxay dadweyne kala duwan oo kasoo hor-jeeda Madaxweynaha talada haya ee Muuse Bixii Cabdi.

Kumannaan Shacab ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka,kuwaasi oo ku qaylinaya Erayo ka dhan ah Xukuumadda talaada haysa, waxaana horay banananbaxyadaasi ugu dhawaaqay Guddoomiye yaasha Xisbiyada Mucaaradka.

Magaalooyinka waa weyn oo ay ka mid yihiin Haregysa iyo Burco ayaa lagu soo warramayaa in uu Bannaanbaxu ka socdo, waxaana muuqaalo iyo sawirro la baahiyay ay muujinayaan dadweyne aad u farabadan oo waddooyinka ku bannaanbaxaya, kana soo horjeeda Nidaamka hadda talada haya ee uu hoggaamiye Muuse Biixi Cabdi.

RELATED POSTS
RW Xamse Oo Soo Saaray Go’aanno Adag Oo Ku Aaddan Ilaalinta Nidaamka Shaqada Iyo Hantida Qaranka

Aug 11, 2022
Dhageyso:-Warka Subaxnimo Ee Radio Dalsan 11/08/2022

Aug 11, 2022
Trump Oo Diiday Inuu Ka Jawaabo Su’aalo Muhiim Ah Oo La Weydiiyay

Aug 11, 2022
Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa qayb ka ah Bannaanbaxa oo hor kacaya, waxaana dhaawac uu soo gaaray mid ka mid ah mas’uuliyiinta Xisbiga waddani, xili uu qayb ka ahaa dadka bannaanbaxa hor boodayay.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xukuumaddu ay amartay shirkadaha isgaarsiinta in ay Internet-ka hwada ka saaraan.

Sidoo kale Ciidamo aad u farabadan lasoo dhoobay waddooyinka qaar, kuwasi oo dadka shacabka ah u diidaya in ay waddooyinka banananbax ku sameeyaan.

Wali waxaa socda diyaargarow hor leh oo degaanada kale ee ka baxsan caasimadda Hargeysa ay isugu diyaarinayaan banaanbaxa, waxaana lafilayaa in ay sii kordhaan bannaanbaxyada ka dhanka ah Xukuumadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here