Qaraxyo sababay dhaawacyada in ka badan 5 ruux oo ka dhacay Degmada Afgooye.

0
276

Qaraxyo sababay dhaawacyada in ka badan 5 ruux oo ka dhacay Degmada Afgooye.

Qaraxyo miino oo sababay dhaawacyo soo gaaray in ka badan 5 ruux oo Shacab ah & Askari katirsan Ciidanka Dowladda ayaa maanta ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Suuqa lagu iibiyo Ariga sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Xilliga uu qaraxa ka dhacay Suuqa lagu iibiyo Ariga waxaa ku sugnaa Ganacsato, Dadka loo yaqaan “Dalaalka” & qaar kamid ah Dad u tagay in ay xalkaas kasoo iibsadaan Xoolaha gaar ahaan Ariga.

Maalinta Arbacada oo inta badan Dadka Degmad Afgooye iyo deegaannada kale nawaaxiga ah ay u iibsi tagaan Suuqa lagu iibiyo Ariga ayuu ka mashquul badan yahay maalmaha kale maadaama inta badan la keeno xoolaha iibka loo rabo.

Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal u xaqiijiyay in Dadka waxyeellada soo gaartay la geeyay Goobaha Caafimaadka ee Degmada Afgooye si looga daweeyo Dhaawacyada kasoo gaaray Firirka Miinooyinka.

Sarkaal katirsan Maamulka Degmada Afgooye ayaa Mustaqbal u sheegay in ay wadaan Baaritaanno ay ku ogaanayaan dadka ay ku tuhmayaan Miinooyinka lagu aasay Suuqa lagu iibiyo Ariga ee ku qaraxday Dadka rayidka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here