Diyaaradii Ugu Horeeysay Oo Khaatka Kenya Sida Oo Maanta La Filaayo Inay Soo gaadho Soomaaliya.

0
403

Diyaaradii Ugu Horeeysay Oo Khaatka Kenya Sida Oo Maanta La Filaayo Inay Soo gaadho Soomaaliya.

Shixnaddii ugu horreysay ee Khaatka ayaa la filayaa inay maanta usoo ambabaxdo Soomaaliya kana timaado Dalka Kenya

Barta twitter-ka, Hay’adda Beeraha iyo Cunnada (AFA) ayaa ku dhawaaqday in Wasiirka Wasaaradda Beeraha Peter Munya uu xaqiijiyay in dhammaan nidaamyada ay dib u soo celinayaan dhoofinta Khaatka

Tani waxa uu sheegay in ay daba socoto hindisaha Dowladda iyo dadaalladii ay iska kaashadeen Maamulka, Ganacsatada Khaatka, Diyaaradaha iyo Dowladda Soomaaliya.

Maamulka ayaa sheegay in ay sidoo kale xaqiijinayam in 22 Ganacsato ah oo ay ogolaatay Wasaarada Beeraha Kenya ay heli doonaan shatiga dhoofinta Khaatka beeralaydana looga baahan yahay in ay filayaan in ay dhoofiyaan dalaggooda ugu horeeya inta uusan dhamaan usbuuca.

Beeralayda Khaatma ee maxalliga ah ayaa ka xirnaa suuqa Soomaaliya tan iyo bishii Maarso 2020 sababo la xiriira cudurka faafa ee COVID-19.

Xaalada ayaa isbedeshay kadib wadahadalo laba geesood ah oo dhex maray Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here