Golaha Wakiillada Mareykanka Meel Mariyay Sharci Sii Adkeynaya Qorsho Uu Wado Biden

0
305

Golaha Wakiillada Mareykanka Meel Mariyay Sharci Sii Adkeynaya Qorsho Uu Wado Biden

Golaha Wakiillada ee Mareykanka ayaa Khamiistii meel mariyay hindise sharciyeed sii adkaynaya qorshaha uu Madaxweyne Joe Biden ku doonayo in uu diyaaradaha dagaalka ee noocoodu yahay F-16 uga iibiyo Turkiga.

Xildhibaannada Congress-ka ayaa isbaddal ku sameeyay Xeerka Difaaca Qaranka, si aysan diyaaraddaas si fudud gacanta ugu galin Erdogan.

Frank Pallone iyo Chris Pappas oo ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga ayaa mooshinkan horgeeyay aqalka, waxaana lagu ansixiyay aqlabiyad dhan 244 cod, halka 179 cod looga soo horjeestay.

Shuruudo cusub ayaa lagu xiray Madaxweynaha Mareykanka haddii uu tallaabo u qaadayo in uu diyaaraddaas ka iibiyo Turkiga.

Waxaa shuruudaha ka mid ah in Mareykanka uusan diyaaradaha F-16 siin karin Mareykanka ilaa dowladda ay ka caddeyso in tallaabadaas ay muhiim u tahay amniga qaranka Mareykanka.

Sidoo kale waxaa maamulka khasab ku ah in ay caddeeyaan tallaabooyinka ay u qaadeen xaqiijinta in diyaaradahaas marka Turkiga la siiyo uusan ku fulin doonin duullimaadyo aan fasax loo haysanin oo ay ku maraan hawada Giriigga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here