Villa Somalia Oo Beenisay In Madaxweyne Xasan Sheekh Uu Safar Qarsoodi Ah Ku Tagay Israel

0
423

Villa Somalia Oo Beenisay In Madaxweyne Xasan Sheekh Uu Safar Qarsoodi Ah Ku Tagay Israel

Maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray warar la isla dhex marayay oo sheegayay in Madaxwweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ugu maqnaa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta uu safar qarsoodi ah ku tagay Israel.

Hadal hayntaan ayaana timid kadib markii qaaar ka mid ah wafdigii ku wehliyay Madaxweynaha Soomaaliya safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo markii la doortay bishii la soo dhaafay karantiil lagu galiyay Imaaraadka Carabta

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa Axaddii la soo dhaafay u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta. Booqashada Mudane Xasan Sheekh ee Imaaraadka ayaa horay loo sheegay inay qaadan doonta laba cisho, balse muddo ka badan intii la qorsheyay ayuu maqnaa waana arrinta dhalisay hadal haynta baraha bulshada.

Shir Jaraa’id oo magaalada Muqdisho uu ku qabtay shalay Afhyeenka Madaxweynaha Soomaaliya Cabadikariin Cali kaar ayaa warbaahintu ku waydiisay waxa ka jira in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Israel safar ku tagay,arrintaas oo gabi ahaanba uu beeniyay afhayeenku. Wuxuu sheegay in madaxweynuhu aanu tagin Israel,maadama Soomaaliya iyo Israel aanu ka dhaxeynin xiriir diblomaasiyadeed.

Saddex ka mid ah waddamada ku bahoobay Ururka dalalka Carbeed – oo kala ah Isu tagga Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Morocco – ayaa xiriir la sameystay Israa’iil sanadkii 2020-kii, horayna wax xiriir ah uma aysan lahayn. Wasiirradooda Arrimaha Dibadda ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan horumarinta xiriirkooda saaxiibtinnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here