Maxkamada Darajada 1aad Ee Puntland Oo Xukunno Dil Ah Ku Ridday Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab
Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qalabka Sida ee shanta Gobol iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa ugu danbeyn maanta dil toogasho ah ku xukuntey 4 kamid ah dagaalamayaaash Alshabaab.
Xubnahaan la Xukumay ayay Maxkmaddu sheegtay in ay ahaayeen Shabakaddi dilalka madax jabinta iyo qaraxyada ka geysan jirey magaalada Boosaaso, ee Xarunta Gobolka Bari.
Afarta Eedaysane ee Xukunka lagu riday Maanta ayaa Magacyadoodu kala yihiin:
Jaamac aadan tusbaxle
Ayuub Cumar shire
Abdulahi salaad boos
Maxamuud abshir muuse olyo
Soo qabashada Xubnaha Maanta Xukunka lagu riday ayaa waxaa iska kaashaday Ciidanka police,ka Gobalka bari iyo Ciidanka PISF ee uu xukumo General aamiin Xaaji khayre.