India oo Dumisay Guryo ay leeyihiin Muslimiinta ka dibadbaxday Aflagaadada loo geystay Nabi Muxamed NNKH.

0
292

India oo Dumisay Guryo ay leeyihiin Muslimiinta ka dibadbaxday Aflagaadada loo geystay Nabi Muxamed NNKH.

Booliiska India ayaa Dumiyay guryo ay leeyihiin Shaqsiyaad Muslimiin ah oo ka dhiidhiyay gef loo geystay Nabi Muxamed (NNKH), waxa ay guryahaas ku yaallaan Gobolka Uttar Pradesh sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Yogi Adityanath, Guddoomiyaha Gobolka Uttar Pradesh ayaa amar ku bixiyay in la dumiyo Guryaha Muslimiinta ay ku leeyihiin Gobolkaas sida uu sheegay Afhayeenka Xisbiga BJP u qaabilsan Gobolkaas.

Ciidamada Booliiska oo horay u xiray in ka badan 300 oo ruux oo ka dibadbaxay gefkaas loo geystay Nabi Muxamed (NNKH) ayaa billaabay in ay burburiyaan guryahooda sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen qaar kamid ah qoysaska guryaha laga dumiyay.

Muslimiinta India ayaa sheegtay in aysan marnaba ka aamusi Karin meel ka dhaca loo geysanayo Nabigeenna Muxamed (NNKH) kaddib markii gef ka dhan ah ay caadeysteen xubno u badan Xisbiga Talada waddankaas haya.

Xubno katirsan Xisbiga BJP ayaa fagaare lasoo istaagay aflagaado ka dhan ah Nabi Muxamed (NNKH), waxaa ka dhiidhiyay kumamaan ruux oo Muslimiin ah iyaga oo sheegay in aysan marna qaadan Karin gefka loo geystay suubanaheena NNKH.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here