Dowladda Somalia Oo Ka Hadashay Arrinta La Xiriirta Fasaxida Qaadkii Ka Imaan Jiray Kenya

0
365

Dowladda Somalia Oo Ka Hadashay Arrinta La Xiriirta Fasaxida Qaadkii Ka Imaan Jiray Kenya

Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay arrimaha la xiriira ganacsiga qaadka Kenya ee ay warbaahinta qaar tabisay in dhowaan dib loogu fasixi doono Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ku dhow maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa BBC-da u xaqiijiyay in uu socdo wadahadal u dhaxeeya labada dhinac oo waxyaabaha looga arrinsanayo uu ku jiro qaadka.

Balse, wuxuu sheegay in Soomaaliya qudheeda ay doonayso waxyaabo ay Kenya ka rabto si ay labada dhinacba u helaan natiijo mirodhal ah.

Dowladda Kenya ee uu Madaxweynaha ka yahay Uhuru Kenyatta ayaa codsatay in laga qaado xayiraadda saaran dhoofinta qaadkii la gayn jiray Soomaaliya, si loogu daneeyo ganacsatada beeraha qaadka ee dalkeeda.

Wasiirka beeraha Kenya Peter Munya oo saxaafadda la hadlay shalay ayaa waxaa uu sheegay in wadaxajoodyada arrintaa ku aaddan la soo afjaraya dhawaan, laba isbuuc kadibna la saxiixi doono heshiis rasmi ah.

Dowladdii Farmaajo ayaa hakisay duulimaadyada qaadka ee Kenya sanadii 2020-ka sababa la xiriira xanuunka Covid-19, balse xayiraadaasi ayaan la qaadin iyadoo ay jireen khilaaf dhinaca diblomaasiyadda oo u dhexeeyay labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here