Somaliland Oo Ciidamo Farabadan Ku Daadisay Waddooyinka Magaalada Hargeysa

0
455

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa Maanta lagu daadiyey waddooyinka waaweyn ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland, kadib markii hoggaamiyeyaasha Mucaaradka ay sheegeen inay dhigayaan banaanbaxyo.

Ciidamada Booliska ayaa lagu arkayaa waddooyinka Hargeysa iyaga oo taagan, isla markaana sugaya amniga, maadaama laga cabsi qabo inay dhacaan banaanbaxyo looga horjeedo Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa sheegay inay qabanayaan banaanbax nabadeed oo shacabka ay ku dalbanayaan in doorashada la qabto waqtigeeda, isagoona xusay in shacabka ay soo bandhigi doonaan dareenkooda.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeyey inuu ka danbeeyo qorshaha dib u dhigista doorashada madaxtooyada Somaliland ee loo asteeyey inay qabsoonto 13-ka bisha Novembar ee sanadkan 2022.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in la xiray Mulkiilaha maqaayad laga shah cabo oo ku taalla Magaalada Hargeysa, isla markaana ay ku kulmeen hogaamiyayaasha mucaaradka, mucaaradka ayaa ku baaqay in doorashada waqtigeeda ku dhacdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here