Dowladda Ruushka Oo Ku Dhawaaqday Inay Dalkeeda Ka Mamnuucday RW Boris Johnson

0
296

Dowladda Ruushka Oo Ku Dhawaaqday Inay Dalkeeda Ka Mamnuucday RW Boris Johnson

Moscow ayaa Sabtida maanta ah ku dhawaaqday in ay dalkeeda ka mamnuucday Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson iyo saraakiil sarsare oo dalkaasi u dhashay, tani oo timid ka dib markii London ay cunnaqabateyno ku soo rogtay Russia oo ciidankeedu uu ku duulay Ukraine.

Hadal ay faafisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayay ku sheegtay in tallaabadan ay jawaab u tahay ololaha siyaasadeed ee London ee “ujeedkeedu yahay in Ruushka loo go’doomiyo si caalami ah.”


HomeCaalamka
Dowladda Ruushka Oo Ku Dhawaaqday Inay Dalkeeda Ka Mamnuucday RW Boris Johnson
On Apr 16, 2022

11
Moscow ayaa Sabtida maanta ah ku dhawaaqday in ay dalkeeda ka mamnuucday Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson iyo saraakiil sarsare oo dalkaasi u dhashay, tani oo timid ka dib markii London ay cunnaqabateyno ku soo rogtay Russia oo ciidankeedu uu ku duulay Ukraine.

Hadal ay faafisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayay ku sheegtay in tallaabadan ay jawaab u tahay ololaha siyaasadeed ee London ee “ujeedkeedu yahay in Ruushka loo go’doomiyo si caalami ah.”

RELATED POSTS
Akhriso:-Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Oo La Magacaabay (Magacyada)

Apr 16, 2022
Rabshado Ka Dhashay Nin Doonayay Inuu Gubo Kitaabka Qu’raanka Oo Dhacay

Apr 16, 2022
Dhageyso:-Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan 16/04/2022

Apr 16, 2022
Wasaaradda ayaa ku eedeysay London in ay qaadday “ficillo colaadeed oo aan horey loo arag” taasi oo ay kala jeeddo cunnaqabateynada ay ku soo rogtay saraakiil sarsare oo Ruush ah.

Xubnaha laga mamnuucay in ay tagi karaan Ruushka waxaa kale oo ka mid ah Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Ingiriiska Dominic Raab, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Liz Truss, Xoghayaha Difaaca Ben Wallace, Ra’iisulwasaarihii hore Theresa May iyo wasiirka koowaad ee Scotland Nicola Sturgeon.

Britain ayaa qeyb ka ahayd dadaallada caalamiga ah ee lagu ciqaabayo Ruushka oo ay ka mid tahay xannibaado hantiyeed, xayiraad dhanka socdaalka ah iyo cunaqabatayn dhaqaale oo la saaray Ruushka tan iyo 24-kii bishii February oo ay ciidankiisa ku duuleen Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here