In ka badan 150 ruux oo ku dhaawacmay isku dhac ka dhacay Masjidka Al-Aqsa.

0
505

In ka badan 150 ruux oo ku dhaawacmay isku dhac ka dhacay Masjidka Al-Aqsa.

Isku dhac dhexmaray Dhalinyaro Falastiiniyiin ah iyo Booliiska Israel ayaa sababay dhaawaca in ka badan 152 ruux kaddib markii Ciidanka Yuhuudda ay isku dayeen in ay is hor istaag ku sameeyeen Dadkaan oo rabay in ay ku cibaadeystaan Masjikda Barakeysan ee Al-Aqsa.

Sarkaal katirsan Bisha Cas Falastiin ayaa sheegay in Booliisku adeegsaday rasaas, Sunta Dadka ilinta ka keenta iyo budad ay ku gareeceen Dadkaan oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaaray qaybaha jirkooda.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Israel ayaa lagu sheegay in Ciidanka Yuhuudda ay adeegsadeen Rasaasta Cinjirka ah ee Dadka lagu kala eryo iyo Sunta Ilinta keenta ee rabshadaha looga hortago kaddib markii Baaruud & dhagaxaan lagu weeraro ciidankaas.

Booliiska Israel ayaa sheegay in Ciidamadooda ay joogeen dhanka Galbeed ee Masjidka Al-Aqsa ee Magaalada Qudus, balse weerar lagu soo qaaday sidaasina ay ku qasbanaadeen in ay ka jawaabaan sida hadalka loo dhigay.

Isku dhaca waxa uu Booliiska Israel sheegay in ay ku dhaawacmeen saddex askari, mana faah-faahinta inta uu gaarsiisan yahay dhaawaca soo gaaray ciidamada, goobta la geeyay iyo waxyeellada ay geysteen.

Xamas ayaa mas’uuliyadda waxa ka dhashay isku dhaca maanta ka dhacay Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa maadaama dadka dhibbanaha ah ee waxyeellada soo gaartay la isku dayay in laga hor istaago ku cibaadeysiga Masjidkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here