Turkiga Oo Wax Ka Bedelay Muwaadinnimada Maal-Gelinta Lagu Helo

0
468

Turkiga Oo Wax Ka Bedelay Muwaadinnimada Maal-Gelinta Lagu Helo

Dawladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in ay wax ka bedel ku samaysay sharciyada dalkaas iyo qaabka ay muwaadnimada ku heli jireen dadka maal gelinta sameeyaa.

Golaha Wasiirada Turkiga ayaa arinta shir ka yeeshay iyadoo go’aano ay kasoo saareen.

$400,000 ayaa looga baahan yahay qofka imika raba in uu nidaam maal gelin ah ku qaato baasaaboorka Turkiga. Waxa dheer in hadii uu guri iibsanayo uu muddo saddex sanno ah aanu dib u iibin karin.

Turkiga ayaa sanadkii 2017 wuxuu sameeyay sharci dhigaya in dadka maal-gelin ku sameeya dalkaas ay helayaan baasaaboorka Turkiga, iyadoo tan iyo markaa 7,000 oo qof la siiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here