Diyaargarowga Dhaarinta Xildhibaannada Cusub Oo Ka Socota Teendhada Afisyooni

0
385

Diyaargarowga Dhaarinta Xildhibaannada Cusub Oo Ka Socota Teendhada Afisyooni

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa qaatay shahaadada Xildhibaanimo ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa lagu dhaarin doonaa Xarunta Teendhada Afisyooni ee Muqdisho.

In ka badan 200 oo Xildhibaan oo qaatay shahaadada ayaa tegaya Afisyooni ee xeyndaabka Xalane, waxaana Xoghayeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaankii 10-aad ku wargeliyeen Xildhibaanada cusub inay tegaan Teendhada Afisyooni, si loo dhaariyo.

Xildhibaano dhowr ah ayaa kusii qul-qulaya Afisyooni, isla markaana waxaa sidoo kale halkaas la filayaa inuu gaaro Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ah hoggaamiyaha Arrimaha doorashooyinka ka socda dalka.

Xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaan weli qaadan shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka, marka laga reebo Saddex Xildhibaan oo kaliya, waxaana la wadu wadaa inay yimaadan Magaalada Muqdisho.

Ammaanka guud ee Xarunta Teendhada Afisyooni ee Muqdisho ayaa siweyn  loo adkeeyay, waxaana Xildhibaanada gaadiidka iyo ilaalada ay wataan looga reebayaa Dugsiga tababarka ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here