Raysal Wasaarihii Dalka Ivory Cost Oo Is Casilay Iyo Sababta Ka Dambaysa Iscasilaadaasi

0
403

Raysal Wasaarihii Dalka Ivory Cost Oo Is Casilay Iyo Sababta Ka Dambaysa Iscasilaadaasi

Raiisel wasaaraha Ivory Coast, Patrick Achi ayaa ku dhawaaqay in uu iscasilay isaga iyo Xukumaddiisa, isaga oo warqada istiqaalada u gudbiyay Madaxweynaha dalkaasi.

Madaxweyne Alassane Ouattara oo ka qeyb galay Shirka Golaha Wasiiradda ayaa sheegay in uu aqbalay Iscasilaada Ra’iisul wasaaraha, isla markaasna uu mid cusub soo magacaabi doono.

Iscasilaada Ra’iisul wasaaraha ayaa ku timid cadaadis xooggan oo uu kala kulmay Madaxweynaha oo doonayay in la dhimo tirada iyo kharashaadka ku baxa Golaha Wasaaradda.

Ra’iisul wasaaraha iscasilay,  Mr Achi ayaa xilkaan loo magacaabay bishii March ee sanadkii hore, kadib markii uu geeriyooday hogaamiyihii ka horeeyay Xamed Bakayoko.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here